Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Shiinaha oo gaaray magaalada Addis Ababa (Sawiro)

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Shiinaha Wang Yi iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho rasmi ah saaka ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Demeke Mekonnen oo xiligan ah Ku simaha RW dalkaas oo ku maqan furumaha dagaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya, waxaa la filayaa in uu kulammo la yeesho ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha labada dal iyo arrimo kale oo gobolka ah.

Itoobiya iyo dalka Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed, kaasoo soo billowday tan iyo sannadkii  1970kii kaasoo salkaku haya ganacsi, maalgashi iyo mid diblomaasiyadeed.

Shiinaha ayaa la walaacsan xaalada dalka Itoobiya oo lugaha la galay dagaal sokeeye oo dhexmaraya ciidamada dowlada iyo kooxda TPLF, iyadoo shiinaha uu dano badan iyo maalgeshi badan uu sameeyey dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo go’aan kasoo saartay Arrimaha Kufsiga la xariira iyo cidda xalineysa

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay Xildhibaankii dilka ka geystay doorashada Kenya

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca DF oo dalab la xiriira dagaalka Al shabaab hor dhigay QM

Caydiid Ali
Taboola Ads ---