Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen & guddiyada doorashooyinka oo ka wada hadlay baarista kursiga HOP103

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulan la qaatay Gudiyada Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo waliba Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

Kulanka oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa ka dhacay xafiiska Madaxweyne Laftagareen ee magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliaya .

Inta badan Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii loo xalin lahaa waxyaabaha keeni kara cabashada ka soo laabatay Doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee lagu qabtay Magaalada Baydhabo .

Dhanka kale Maxamed Xasan Cirro oo ah Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaalka (FEIT) oo Warbaahinta la hadlay kulanka kaddib waxa uu sheegay in dib u eegis lagu sameynayo kursiga tirsigiisu yahay HOP103 oo doorashadiisu muran ka dhex dhaliyay Guddiga FEIT & SEIT Koofur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Cuman oo heshiis Is-afgarad ah kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade

Janan oo ku dhawaaqay dagaal, digniin culusna siiyey shacabka Belad-xaawo

Caydiid Ali

Marco Rubio oo maanta tagaya Sacuudiga iyo ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---