Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne la Afgtembiyay oo Xabsi laga sii daayay lana geeyay guriga Xaaskiisa

Madaxweynihii xilka sida xooga looga tuuray ee dalka Guinea Alpha Condé ayaa dib u helay xuriyadiisa kadib mudo uu u xirnaa milatariga dalkaasi ee talada xooga uga tuuray 5-tii bishii September ee sanadkan.

Qoraal kasoo baxay Militeriga dalka Guinea ayaa lagu  sheegay in madaxweynihii la afgembiyay Alpha Condé loo wareejiyay guriga xaakiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Conakry.

Waxa ay ku sheegeen militeriga qoraalka ee soo saareen in Madaxweyne hore  Alpha Conde uu haatan la joogo xaaskiisa Hadja Djene Kaba Condé, waxa ayna cadeeyeen in amaanka madaxweynaha la xaqiijinayo.

Milatariga talada Guinea la wareegay ayaa shaaciyay  inay xushmeynayaan madaxweynihii hore ee dalka isla markaana ay ka hortagi doonaan cadaadis kasta oo uga yimaada gudaha iyo dibadda.

Madaxweyne Alpha Condé, ayaa talada dalka Guinea xoog looga tuuray  5-tii bisha September ee sanadkan,  waxa uuna Madaxweynaha oo xilka hayay mudo ka badan 11-sanadood xabsi ugu jiray maalmo badan milatariga xilka ka tuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hadal Jeydinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo bilaabatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Weerar kale oo ka dhacay gudaha Kenya

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay C/waaxid Axmed Faarax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---