Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw Qatar u duulay iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.
 
Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.
 
“Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, iyadoo Madaxweynuhu uu kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka war-bixiyay safarka Madaxweynaha.
 
Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo xariga ka jaray Suuq laga hirgaliyay Matabaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney toos u karsanaysa hilib yaxaas iyo Carro weyn oo ka dhalatay falkaasi!

Cabdi Cade

Galmudug oo si kulul uga hadashay shacabkii lagu dilay tuulada Xirsi Lugey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---