Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada NISA oo Muqdisho ku qabtay Hub badan iyo Xubno katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa hubeesan ee loo yaqaan Duufaan ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen hub iyo xubno la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in howlgalka ciidamada Duufaan ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ku soo qabteen keyd weyn oo hub ugu keedsanaa Al Shabaab iyo sadex nin oo kooxdaasi katirsanaa.

”Halwgalkan qorshaysnaa ee ay fuliyeen Ciidanka NISA ayey ku soo qabteen Keydkii Hubka ee ugu weynaa ee Alshabaab, kaasoo oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee hubka” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay Warbaahinta dowlada,

Hubkan ay soo bandhigeen ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ee lagu qabtay howlgalka laga fuliyay xaafada Suuqa Xoolaha ayaa u muuqday hub duugoobay oo mudo dhulka ku aasnaa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jilaa ku caan baxay aflaamta Hindiga oo Siyaasi isku bedelay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo War ka soo saaray Xiisada ka aloosan xadka Somalia iyo Kenya

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Xukuumada Somalia oo galabta loo diiday in shir uu ku qabto Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---