Guddiga doorashada heer federaal ayaa shaki galiyay kursigii Xildhibaanimo uu shalay ku guuleestay Maxamed Cali Xasan oo ah Wasiirka howlaha guud ee Koonfur Galbeed kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.
Kursigan ayaa horey doorashadiisa waxaa u hakiyay guddiga doorashada heer federaal kadib dacwad uu ka gudbiyay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari, hasa ahaatee guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku adkeestay qabashada doorashada kursigaasi.
Guddiga doorashada heer federaal ayaa boggoda rasmiga ah ee Facebook kusoo qoray doorashada sadex kursi oo shalay lagu doortay Baydhabo, hasa ahaatee guddiga ayaan marnaba soo hadal qaadin kursiga uu ku guuleestay Maxamed Cali Xasan .
Talaabadan guddiga doorashada uga aamuseen doorashada kursigan muranka ka taagnaa ayaa u muuqaneysa in aysan aqoonsaneyn Xildhibaankan ku guuleestay doorashada kursiga sumadiisu tahay 103.
Guddiga doorashada Heer Federtaal iyo guddiga xalinta Khilaafaadka ayaana la filayaa in war kasoo saaraan doorashada kursigan dacwada laga gudbiyay ayna si qasab ah doorashadiisa ku qabteen guddiga doorashada Koonfur Galbeed.
Kursigan uu horey ugu fadhiyay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa loo diiday in mar kale isku soo sharaxo, waxaana shahaadada musharaxnimada Jawaari u diiday guddiga doorashada Koonfur Galbeed.
Guddiga Doorashada ayaana Xildhibaanadan ku daabacay Boggoda ee shalay la doortay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com