Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo kulan Xasaasi ah u socdo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xiligan kulan la leh qaar kamid ah Golaha Midowga Musharraxiinta, kuwaa oo walaac ka muujiyay sida ay u socdaan doorashada

Kulankan oo ka socda  Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka dalka dalka ka bilowday gaar ahaan doorashada golaha shacabka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u dhaliilay ugana hor yimid sida ay ku socoto doorashada Xildhibaanada golaha shacabka oo musharaxiinta sheegeen in ay ku socoto hab musuq iyo boob ah.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Musharaxiinta ayaana kawada hadlaya sida ugu macquulsan ee xal loogu heli karo doorashada ku bilaabatay musuq maasuqa ee kaliya lasoo saarayo xubno si gaar ah u wataan Villa Soomaaliya iyo Madaxda maamulada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiye dalkiisa soo xukumayey 43 sano oo mar kale xilkaas u tartamaya

Caydiid Ali

Puntland & Jubaland oo isku qilaafsan sida loo wajahayo Farmaajo & Mucaraadka oo..

admin

DEG DEG: Israel oo ku dhawaaqday in la dilay Yahya Sinwar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---