Allbanaadir.com
NEWS

Kursigii Xildhibaanimo uu ku guuleestay Taliye Yaasiin Farey oo la hakiyay (Akhriso)

Qoraal goordhaw kasoo baxay guddiga xalinta Khilaafadaka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu hakiyay kursigii Xildhibaanimo uu dhawaan ku guuleestay Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Kursigan uu ku guuleestay Yaasiin Farey oo sumadiisu tahay HOPO67 ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay Nabadoonka saxiixaha ka ahaa kursigaasi Nabadoon Cali Xasan Cali Jeesto iyo musharax kursigaasi u taagnaa.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada ayaana faray guddiga doorashada heer federaal in ay hakiyaan shaacinta natiijada kursiga uu ku guuleestay Yaasiin Farey inta laga soo baarayo go’aana laga soo saarayo kursigan dacwada laga gudbiyay.

Halkan ka Akhriso Qoraalka lagu hakiyay Kursiga Taliye Yaasiin Farey

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gen. Biixi: “117 dagaalyahan ayaa khawaarijta looga dilay degaanka Doonyaale”

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee maanta 1-da Luulyo looga dabaaldegay Muqdisho

Caydiid Ali

RW Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo safar dhulka ah ku tagay Caabudwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---