Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Prof. Saciid Ciise: “Caymo ma leh cidii dugsata Murtidiinta Siyaasadeed”

Ma ahan wax lala yaabo in shaqsi uu bedelo aragtidiisa siyaasadeed kadib marka uu xaqiiqsado in falsafad ahaan ay maskaxdiisu iyo qalbigiisu ku qanacsan yihiin dhab ahaan iney aaminsan yihiin mabda’ siyaasadeed ay inta badan fikradihiisu raacsiisan yihiin, laakiin murtidnimada siyaasadeed waa liidasho salka ku haysa ooraahda leh “marba kii roon u haajir oo mansab dhaqaale iyo mid awoodeed isla rogrog.”

Waxaa ah dhaqan fool xun shaqsi sanooyin badan lagu yaqaaney inuu horseed u ahaa aragti uu kula mideysnaa koox ay isku mabda’ aaminsanaayeen oo halgan dheer u soo wada galay ka miro dhalinta aragtiyada siyaasadeed oo mideysay, inuu aragtidiisi hore uga ridoobo sidii uu aragtida markaas uu ka soo horjeedey oo awooda xukunka haysata uu ugu muujin lahaa dabacsanaan u muuqata raali gelin dadban oo uu ku dalbanayo ka mid noqoshada inuu soo galo siyaasadda muxaafadka si tabar darradiisa loo kabo oo qaadashada aragtida cusub awgeed looga taakuleeyo saboolnimada niyadiisa nugleysey.

Murtidiinta siyaasadeed ee hadda ka jirta Soomaaliya waxaa macalin u ah  masuulka ka midka ah madaxda sare ee dowladda, kaas oo muxaafadka iyo mucaaradka kala soo goosanaya kuwa qalbiga iyo maskaxda jiiska ka ah oo ah mabda’ laaweyaasha digo rogoshada ku dheereeya, kuwaas oo koox ahaan rumeystey xiriir munaafaqnimo iney la sii wadaan mucaaradka iyo muxaafadka oo hadba cida guuleysata ay jaalkooda noqon karaan.

Nasiibdarose waxey ka jirtaa masuulkaas ay taabiciga u noqdeen ayaan dhowaan-galka siyaasadiisa ahayn mid la isku haleyn karo oo isaguba ah kabiir jirjiroole ah oo rogrogasho badan, kaas oo labada dhinacba inta uu la hiil noqday, haddana ka soo ridoobey, isla markaasna kadib marka uu u hiilinta xaqa indhihiisa ka dabooshay, dhumiyey fursad dahabiya oo kalsooni ahaan ay shacabku siiyeen, taas oo siyaasad ahaan guul aad u sareysa u soo dhowyn lahayd, laakiin fursadaas ay noqotay wax laga xumaado inuu baylihiyey kadib markii uu ka digo rogtey helitaanka guushii hanashadeedu u soo dhoweyd.

Murtidiinta siyaasadeed iyagaa gacmahooda isku dila oo cid walba marka ay isticmaasho ayey ka aamin baxdaa, waxeyna meel cidlo ah ka istaagaan xulafeysiga siyaasadda, iyagoo aakhirkooda sida tuke cambaar leh ceeb iyo foolxumo kala kulma bulshooyinka ku dhisan aragtiyada siyaasadeed, waxeyna murtidiintaas siyaasadeed ceyn wareega siyaasadahooda ay soo ifbaxaan xilyada kala guurka oo la qabanayo doorashooyinka, waxeyna ku sifoobaan miino aasan oo qaraxeeda loo jiheeyo ama kooxda ay ka soo ridoobeen ama bulshooyinka ay siyaasadda ku metelayeen, taas oo lagu bahdilayo murtidiintaas siyaasadeed, si qaawana liidnaantooda loogu muujinayo kuwii ay horay ugu mabda’ ahaayeen iyo bulshooyinka ay ka soo jeedaan.

Murtidiinta siyaasadeed marka ay ceeb iyo cambaareyn ay kala kulmaan shacabka Soomaaliyeed, waxey noqdaan yibiro aan ceymo diideyn, waxeyna magan u noqdaan xumaan oo dhan asalkeedu meesha ay ka soo maaxato, iyagoo isku arka iney yihiin kuwo adduun iyo aakhiraba ku xaqiran. Qaarkood waa ma yeereyaal naban oo wax walba waa ka aamusan yihiin, waxeyna sidaas u sameynayaan waa fursado dayday ay sidaas ku doonayaan iney ku soo laba kacleeyaan, qaarka kalana waxey isku waalaan sidii dibiyo weyraxsan oo daandaansi dagaal ayey meel walba ka huriyaan si isha madaxdu ay u aragto nafti huranimadooda ay ku difaacayaan danaha shaqsiyadeed ee madaxda.

W/Q: Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn ugu Mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Wasiir Carab oo sheegay inuu halis ku jiro Imtixaankii shahaadiga ee sanadkan

Caydiid Ali

Burcad hubeesan iyo telfoono ay dhaceen oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---