Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi: ”Midnimada Soomaali waa muqadas & Xabada waan kugu garaacayaa isma qabato”

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayay munaasabadda 26-ka June ee 58-guuradii ka soo wareegatay markii Gobollada Waqooyi Xornimada qaateen ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada hoos taga inay wadaan qorsheyaal lagu cuno qabateynayo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay ineysan isqaban karin labo ujeedo oo kala ah in dagaal lagu soo qaado iyo in laga hadlo midnimo Soomaaliyed.

“Weerar colaadeed oo aan kala har laheyn  ayaa nagu socda, maalin hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waraaq soo saaray oo caalamka ku oranayo Somaliland yaan la caawin, waxaa kaloo soo baxay warqad kale oo ay soo saareen maamul goboleedyada oo hadalkaas lagu taageerayo” ayuu yiri Muuse Biixi.

“Soomaali ha midowdo, midnimada waa muqadas, Soomaali ma kala maaranto iyo xabada waa kugu garaacayaa, caalamka hadduu ku caawiyana ma ogolin, labadaas ma isu keena qabato”ayuu yiri Muuse Biixi.

Dagaalka iyo xiisada Tukaraq ka taagan ayuu sheegay Muuse Biixi in mar walba ay Somaliland ku baaqeyso nabad, isagoo xusay in Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu raadinayo in labo sano loogu daro xilka, sababtaasna uu dagaalka uu sii daba dheereynayo.

Waxaa uu sheegay in Somaliland aysan cidna duulaan ku aheyn balse ay difaacaneyso xuduudaheeda, ayna iska caabineyso weerar kasta oo lagu soo qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Prof. Saciid Ciise” :Ciyaarta dhuumashowga siyaasadeed ee Xassan & Deni waxaa ka dhalan karta..”

Caydiid Ali

Waa Maxay Shaqada Diblomaasiyiinta Shisheeye ee fadhigooda yahay xarunta Xalane?

Cabdi Cade

Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiin la socotay oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---