Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sheegay in guryo aay lahayeen sharci darro lagu bur-buriyay (Daawo Sawirro)

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhaqan xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid ,ayaa waxa ay cabasha xoogan ka keeneen dhul ku yaala Dagmada Yaaqshiid oo  dhawaan guryihii ku yaalay oa bur buriyay.

Kulana ay isugu yimaadeen odayaal iyo wax-garad matalaya muwaadiniintaas  oo ka dhcay magaalada Mogadisho ayaa waxa ay ka soo saareen baaq ku socda Dowladda Soomaliya , iyaga oo sheegay in ay haystaan warqadihii sharciga lahaanshaha dhulkaasi, isla markaana ay diyaar u yihiin in sharciga lagu kala baxo.

Qoraal kasoo baxay Muwaadiniinta Cabaneysa ayaa sida u qornaa
 
Cabasho bururin hanti iyo dhul gaar looleyahay
 
Anagoo ah  muwaadiniin dhibanayaal ah, kuwasi oo laga bur-buriyay hanti, iyo dhulal ku yaala xaafadda Carafaat ee Dagmada Yaaqshiid, waxaan  u sheegaynaa Madaxda Dowladda Fedaralka Soomaaliya, iyo dhamaan umadda  Soomaaliyeed qodobada soo socda kuwaasi oo ku saabsan dhulka lagu haya bur-burinta iyo boobka ee aan kor ku soo xusnay.
  1. Waxaan si ay kalsnooni ku dheehantahay, u cadeyneynaa in dadka laga bur-buriyay hantidooda laguna takrifala  dhulkooda , ay u haystaan, sharciyo iyo dukumentiga lahaansha dhulkaasi kaasi oo si sharci ah  u soo baxay xilligii Dowladii  maxmed Siyaad Barre.
  2. Dhamaan sharciyada lahaansha dhulkaasi waa mid laga helayo diiwanka dhulka ee dowlada hoose.
  3. Dhulkan dhismihiisa waxa uu heestaa fasaxa dowlada hoose ee xamar
  4. Dhulkaan iibsashadiisa waxaa lagu kala wareegay nootaayinka  sharciga ah sida nootaayada Amin Xasan Cade.
  5. waxaan cod dheer ku sheegeynaa in gudoomiyaha gobolka banaadir C/raxman Cumar Yariisow qiray  sharci ahaansha dukumintiyada dhulkaan.
Hadaba  waxan madaxda dowlada sida Madaxeynaha, Gudoomiyaha baarlamanka iyo Raisalwasaraha wasiirka arimaha gudaha iyo dhamaan hayadaha cadaalada   ka codsaneynaa in ay soo fara galiyaan boobka iyo burburinta lagu hayo dhulkeyna.
Ugudanbeyn Waxaan mar kale cadeyneynaa  in aan ku kalsoonahay in lagu kala baxo sharciga diyaarna unahay waxa uu sharciga goaamiyo
                                             Wabilllahi Toowfiiq.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkado badan oo ku tartamaya shidaalka Soomaaliya iyo bixinta shatiyada oo ..

Cabdi Cade

Musharaxiin badan oo maanta isku diiwaangeliyay doorashada Madaxweynaha (Magacyada)

Cabdi Cade

Hormuud oo war kasoo saartay dil maanta ka dhacay xarunteeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---