Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Soomaaliya oo Hal Milyan oo Dollar u qoondeesay Gurmadka Abaaraha (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dedaalo loogu gurmanayo dadka ay abaaraha daran ku saameeyeen qaar kamid ah Gobolada dalka .

Lacagtan loo qoondeeyay in si hordhac ah wax looga qabto abaaraha ayaa kusoo aadaysa xili Xalay Madaxweyne Farmaajo faray xukuumada in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay abaaraha saameeyeen.

Related posts

Abwaan Caan ah oo lagu eedeeyay in Caasi waalideyn yahay oo saakay xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Wasiir si adag uga hadlay dulmi iyo caddaalad daro weyn uu arkay

Cabdi Cade

Shaki iyo walaac wali ka taagan xarunta maamulka gobalka Banaadir iyo magaalada dhuusamareeb oo laba qayb kala Noqotay !!

admin
Taboola Ads ---