Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirad Kenyan ah oo kashiftay sababta rasmiga ah ee hakisay dhismaha derbiga xadka Somalia

Wasiirka Arrimaha Dhulka ee dalka Kenya ayaa shaacisay sababta rasmiga ah ee dowlada dalkaas u joojisay dhismaha derbiga ah ay ka dhiseyso xadka Somalia.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ayaa bishii Maarso ee sannadkan sheegay in la joojiyey dhismaha derbiga laga dhisayo xuduudka labada dal ka dib xiisad ka dhalatay goobta la marinayo derbigaas oo cabasho badan laga keenay.

Balse Wasiiradan ayaa shaaciday in loo hakiyey hawlihii sahminta iyo dhismaha derbiga Kenya ka waday xuduudka Somalia ka dib markii la waayey kharajkii lagu socodsiin lahaa.

Waxay tilmaamtay in la dhisay 24-Km oo ka mid ah 150 Km ee uu ka koobnaan doono dhismaha derbigaasi, iyadoo Sahminta iyo Khariidaynta Mashruucaasi la bilaabay sannadkii 2016-kii.

Dowladda Kenya waxay u qoondeysay  in ka badan 5.6 Billion oo Dollar, si loogu calaamadeeyo, looguna dhiso Xuduudaha Caalamiga ee ay Kenya la leedahay Somalia iyo dalalka kale ee deriska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Waa sidee saaka xaalada Laascaanood ka dib dagaaladii shalay ka dhacay?

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo ugu dambeyn soo qabtay Yuusuf Axmed Max’uud (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka amniga gudaha & taliyaha NISA oo ka qeyb galay kulan su’aalo lagu weydiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali