Jahawareerka Siyaasadeed ee Aloosan :- Illaa intii qaab xoog-sheegasho ah xilka looga xayuubiyey afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cismaan ‘Jawaari’ horraantii April 2018 iyo ka horba, dowladda federaalku waxaa ka dhex socdey jahawareer, taas oo aalaaba keenaysey bedelaadda madax sare iyo wasiiro aanay caddayn faa’iidada ku jirta bixintooda. In ka yar kala bar wasiirradii March 2017 helay kalsoonida baarlamaannka ayaa hadda golaha wasiirrada ku jira. Sanad iyo barkii lasoo dhaafay, taliyayaasha hay’adaha amniga sida booliiska, nabadsugidda iyo militeriga ayaa midkiiba saddex goor la badeley. Tiro badan oo safaaradaha Soomaaliya ah ayaa iyaguna safiir la’aan ah intii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ay talada qabteen. Baaqii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in loo tartami doono xilalka sare ee wasaaradaha ayaan dhaqan gelin.
Hawlwadeennadii sare ee wasaaradihii muhiimka ahaana si habqan ah ayaa wali loo magacaabaa. In Aqalkii Sare uu diido ka qayb-galka furitaankii kalfadhiga baarlamaanka ee Madaxweynuhu furay bishii September, iyana waxay ahayd calaamad tilmaanaysa kacsanaanta heer-kulka siyaasadeed. Waxaanan qarsoodi ahayn in xildhibaanno aan yarayn iyo shacab badan ay dowladda col la yihiin, taas oo ay sabab uga dhigeen siday ay ugu hungoobeen dowladda iyo waxay ku sheegeen siyaasado kali-talisnimo iyo cabburin ah oo ay ku shaqaynayaan madaxda dowladda federaalka. Saxaafadda caadiga iyo baraha bulshada ayaa noqday meel lagu hardamo.
Dacaayadda siyaasadeed iyo colaadaha afka ah ayaa gaarey meel aan horay loo arag, iyada oo laga tagey sarriigtii iyo wax-iskula-harkii. Iyadoo aan dowladda Farmaajo labo sano jirsan, ayaa khilaafka iyo xafiiltanka kala dhexeeyey siyaasiyiinta dalka, waxay gaareen meel aan horay loo arag oo uba eg, midda ka dhex aloosan madaxweynaha Maraykanka iyo mucaaradkiisa.
Is qabqabsiga iyo xasillooni darrada siyaasadeedna waxay dowladda dhexe ka jeedisey shaqooyinkeedii aasaasiga ahaa. Muqdisho iyo meelo kalaba ammaan-darradii jirtey sanadkii la soo dhaafay waa kasii dartay. Jidad badan oo caasimadda ahna waxa ay noqdeen kuwa laga go’ay maridooda, jid-xiriddii oo badatay awgeed, taas oo misana wiiqday dhaqaalihii. Sida Bangiga Adduunku uu ku sheegay qoraalkiisii ugu danbeeyey ee uu uga faalloonayey xaaladda dhaqaale ee dalka, wuxuu sheegay in kobaca dhaqaale ee 2016-kii uu ahaa 4.4 boqolkiiba, halka 2017-kiina uu noqday 2.3, taas oo gaabiska ama dib u dhaca dhaqaale ka dhigaysa mid 50% u dhow. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ee qasan waxa ay fursad siisay Al Shabaab.
Sida ay sheegeen xildhibaano badan oo arrimaha amniga ka hadlay, kulankii ugu danbeeyey ee baarlamaannka ee amniga diiradda lagu saaray, kooxda Al Shabaab waxay ka mintidsan yihiin sidii ay ahaayeen 2011- kii markii Muqdisho laga saaray. Qaybaha bulshada oo dhan ayay lacag baad ah ka aruursanayaan, oo ay ka mid yihiin dadka Muqdisho ku nool. Jidadkii Muqdisho uga baxayey ama ka soo galayey koofur iyo woqooyiba, waxay noqdeen kuwa aan la mari karin, waayo Al Shabaab ayaa qabsaday ama kulaalaya. Waxaa ayaan darro u ah Soomaaliya inay xildhibaannada qaar sheegeen in dadka ay matalaan qaarkood ay caddaalad ka doonteen maxkmadaha aanay oollin wax turid ah ee Al Shabaab, maaddaama maxkamadaha dowladda federaalka uu diloodey musuqmaasuq iyo dareen ah in nidaamkii garsoorka la siyaasadeeyay.
Markii ugu horreysey ilaa intii Madaxwyne Farmaajo la doortay, xildhibaano aan yarayn oo qaarkood ilaa dhawaan dowladda u dhawaa ayaa billaabay inay si qarsasho la’aan ah dowladda ugu dhaliilaan amni darrada baahday iyo xasilloonni la’aanta siyaasadeed. Xildhibaano badan ayaa walaac ka muujiyey waxay ku tilmaameen isku day iyo faragelin toos ah oo dowladda dhexe ku doonayso in ay baddesho madaxda goboladooda. Xildhibaannadaas ma doonayaan inay dowladdaan gacanta ku dhigto gobollada, maxaa yeelay taasi waxay mugdi galineysaa in dib loo soo doorto sanadkan 2020. Dowladda federaalku waxaa kale oo ay lasoo baxday dulqaad darro mucaaradkeeda ah. Bishii December 2017, ciidan nabadsugid ah ayay dowladdu ku weeraray hoyga wasiir hore, C/raxmaan C/shakuur, haddana hoggaamiye u ah Xisbiga Wadajir.
Weerarkaas guuraha ahina waxa uu sababay in la dilo shan ka tirsan ciidankii ilaalinayay siyaasigaas. Hab-dhaqankaasina waxaa uu ahaa arrin ugub ah, marka laga eego dhiirranaanta iyo jixin-jix la’aanta falkaas. Waxaa taa la socdey in xildhibaannada qaar la isku dayey, looguna gooddiyey in xasaanadda laga qaado si loo maxkamadeeyo, iyada oo dhanka kalana la tusayo saxaafadda xorta ah iyo bulshada rayadka ah baqdin gelin, ujeedkiisu yahay in la aamusiyo oo ay afkooda xirtaan. Iyada oo istiraatijiyadda dowladdu u ekayd mid abuuraysa jawi cabsi-gelin ah, haddana wax-ka-sheeggidda dowladda waa qayb kamid ah dhaqanka Soomaalida.
Soomaaliya waxaa maanta yaalla: siyaasad aan turid lahayn, ah qof-kastow naftaa, aan wax la isku hanbaynayn, xuduudna aysan xirin loollanka oo wax kasta la xalaalaystay, taas oo hor-is-taagtey in wax laga qabto shaqooyinka yaalla. Hor-u-socodsiintii hawlihii qabyada ahaa ee siyaasad lahaa, amni lahaa, dhaqaale lahaa iyo dastuur iyo doorasho dhammaantood waxa ay noqdeen kuwo xanniban. Tusaale waxaa ah Hannaanka Amaanka Qaran oo London 2017 kii looga soo heshiiyey, fulintiisuna ay ku xiran tahay wadashaqaynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Sidoo kale, dib-ueegista dastuurka iyo in laga heshiiyo in hannaanka doorasho ee dalka, waxa ay u xanniban yihiin isafgran-waaga dowladda federaalka iyo dowlad goboleeyada. Xitaa dhaqaaluhu waxa uu eersaday xasillooni darrada siyaasadeed. Bangiga adduunku waxa uu warbixintiisa Qiimaynta Xaaladda Dhaqaale ee Soomaaliya ku tilmaamay, “Caqabadaha Soomaaliya ka haysta kordhinta dakhliga, waxa ay xiriir toos ah la leyihiin hannaanka dekhli wadaagga ee federaalka. [Dowlad Goboleeyada] waxay aruursadaan, haystaanna wixii canshuur ah oo deeganooda ah; dowladda federaalka Muqdisho oo kaliya ayay dhekhli ka heshaa.
Qaab siyaasadeed noocaan ahina waxa uu adkaynayaa in barnaamij dhammeystiran oo canshuur-qaad dalka oo idil laga hirgaliyo. Haddii aan la dhisin hannaan lagu maareeyo farqiga wax-soosaar iyo dekhli aruurinta oo u dhexeeya goboleedyada, madax-bannaani-daas dhaqaale aruursi, waxa ay uga sii daraysaa sinnaan la’aanta dhaqaale ee dalka. Is-afgarashada helidda dhekhli iyo cidda aruurinaysa ayaa fure u ah dhekhli aruurin baahsan iyo hirgelinta adeegyada bulshada.”
La Soco Qaybta 4 aad INSHA ALLAH
Qore:- Mohamed Abdi Adan –Xoosh
Mugadisho-Somalia
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com