Allbanaadir.com
NEWS

Boqor Buurmadow iyo Xubno la socday oo Raali gelin u tagay Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Boqor Cusmaan Abuu Maxamuud (Buurmadoow).
 
Wefdiga gaaray magaalada Baydhabo ee wehlinayay Boqor Buurmadow waxaa kamid ah Xildhibaano katirsan labada golle ee dowlada federaalka, waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Waqooyi.
 
Madaxweynaha iyo Boqor Buurmadoow ayaa ka wada hadlay Dhibaatadii Maamulka Soomaliland ay ugeysteen Shacabkii kasoo jeeday Deeganada Koonfur Galbeed ee ku noolaa Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.
 
Boqor Cusmaan Abuu Maxamuud ayaana ka raali galiyay bulshada reer Koonfur Galbeed dhibaatadii kasoo gaaray barakicintii maamulka Somaliland ku sameeyay dad danyar ah oo kasoo jeeday Koonfur Galbeed kuwaa oo si qasab ah looga soo musaafuriyay Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halis lasoo daristay Qoyska Wiil yar oo la kulmay Lionel Messi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo 20 dagaalyahan looga dilay meel ku dhow Beled-weyne

Caydiid Ali

Ciidamo badan oo lasoo dhoobay Nairobi iyo Dibad baxyadii Mucaaradka oo bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---