Waxaa soo ifbaxaya ififaalooyin sida kaaha iftiinka waaberiga u soo muuqanaya, kuwaasoo xambarsan astaamo aan qarsooneyn oo u eg halaagii doorashadii 1969 oo uu maskaxda u ahaa Cabdirashiid Cali Sharma’arke (AUN) oo uu sababta musuq maasuqinteeda uu u iishay.
Doorashada 2021-2022 waxey madaxda Villa Soomaaliya u abaabushey in la musuqmaasuqo, wixii laaluusha oo la bixinayana waxaa qarashkooda deberaya boqortooyada Qatar, laakiin xooga, xeelada, iyo farsamada lagu boobayo doorashada oo la qiyaasayo inuu dhiig badan ku daadan doono waxaa qorshaheeda dusha u ritey Farmaajo oo la saadaalinayo sida madaxweynihii hore ee Sharmarke inuu isaguna ku bixi doono boobka ka dhasha doorashada.
1969 Waxaa dhici lahaa dagaal sokeeye oo u dhexeeya beelaha jilibyadooda hoose, kaasoo uu ka badbaadiyey dalka ciidanka milateriga oo dhismihiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa ay shacabku kalsooni badan ku qabeen, inkastoo markii dambe hogaan xumada xukunka mileteriga la eeday.
Waxaa walaac badan laga qabaa cida awooda u leh iney joojin karto haddii uu mar labaad dalku galo dagaal sokeeye oo jufooyinku dhexdooda isku laynayaan, haddii uusan dalku lahayn ciidan milateri oo dhexdhexaada ama hogaamiye dhaqameedyo u daacada maslaxada beelahooda oo nabadoonimo guud ugu adeegaya.
Cida isku haleyneysa bulshada caalamka waxaa tusaale ugu filan iney waayo aragnimo badan ka qaadato fahamka laga helay dagaalkii sokeeye oo Soomaaliya ka qarxay 1991 oo aysan dan iyo muraad midna ka laheyn xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya, mararka qaarna uba muuqdey iney isku hubeynayeen dhinacyada dagaalamaya, dagaalkaasoo ay ku dhinteen dad badan oo aan ka tirsaneyn maleeshiyaadka dagaalamayey.
Dowladda Qatar oo adeegsaneysa xeeladaheeda sirdoonka sida tayada sare u tababaran ayaa madaxda dowladda dhexdhigtay heshiis qiyaano oo qarsoodiya oo lagu wada qanciyey iney ka wada qeyb qaataan hagardaamada lagu boobayo kuraasta doorashada, balanqaad sireysana cid walba loogu balan qaaday iney jagadeeda dowladda dib ugu soo noqon doonto.
Lama yaabani aamusnaanta Rooble iyo intii ku sirantay ismuujintii ahaa goodiska ahayd uu Farmaajo si fiican isugu barayey, laakiin waxaan ka naxsanahay inuusan garwaaqsaneyn dhiiga sokeeye ee doorashada ku daadaneysa inuu masuuliyada ugu weyn uu isagu iska leeyahay, isagoo weliba si qaawan ciidanka dowladda ugu dhiiro gelinaya iney qaadaan dagaal ay ku daadinayaan dhiiga shacabka, waxaana dhiig badan oo daata kala weyn qabashada doorasho musuq maasuqa oo xaaraan ah.
Waxaa ogaan la’aanta wadaadkaas ka sii daran sida uu isugu ekeysiinayo habdhaqanka Farmaajo ee indho ka qarsiga tacadiyada dagaalka, ka aamusnaanta xadgudubyada doorashada, iyo cimri dheereysiga sida dadban doorashada loogu jiidayo oo uu dhankiisa u arko inuu macaash wadaag Farmaajo kula yahay wakhti dheereysiga iyo danwadaaga mustaqbalka siyaasadeed ee doorashada kadib.
Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, marka laga reebo Qoor Qoorka Galmudug oo raba kuraasta inuu u boobo Fahad iyo Farmaajo, inta kale waxey dadaaladooda iyo hantida dadweynahaba ay si xoogan u gelinayaan sidii ay degaanada doorashada uga soo saaran lahayeen xildhibaano ay miisaankooda ku ilaalsadaan xilalkooda, uguna difaacdaan, isla markaasna ay ugu gorgortamaan awood qeybsiga dowladda cusub ee mustaqbalka dhow imaneysa
Ama gurguuro oo xilka daahso ama jaceylka xasanada awooda saameynta kursiga ha ku aamusiso, waxaad ka leeftaaba waa malabsiga dacar iyo dhiig xinjiro ah, iyo haabiilnimo aad ku dishid walaalka oo aad ku dakanowdid.
Waxaa qoray:
Prof. Saciid Ciise Max’uudÂ
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahnaÂ
Musharax Madaxweynaha Somalia
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com