Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney loo Magacaabay xil Raisul Wasaare oo saacado ka dib iscasishay

Magdalena Andresson oo aheyd Haweeneydii ugu horeysay oo Ra’iisal Wasaare ka noqota dalka Sweden ayaa is casishay, kadib markii loo magacaabay jagadaasi saacado ka hor.

Mss. Andresson ayaa loo magacaabey jagadan maanta, laakiin way is casishay, kadib markii ay isbaheysigeeda ay jaalka ahaayeen ka baxeen dowladda, iyadoo miinsaaniyada dhaqaale ee dowladeedana meel marintiisa uu fashilmey in la ansixiyo.

Taa badalkeeda, baarlamaanka ayaa u codeeyey miisaaniyad dhaqaale ay soo diyaariyeen mucaaradka, oo ay ku jiraan kuwa kasoo horjeeda soo galootiga, oo ka socda dhanka axsaabta midigta fog.

Ra’iisal wasaare Andersson, ayaa u sheegtay warfidiyeenka iney u gudbisay afhayeenka Baarlamaanka doonisteeda is casilaadda.

Waxey intaa ku dartey iney ku dadaaleyso iney noqoto Ra’iisal wasaare mar kale, iyadoo markan ku soo galeysa dowladda hal xisbi ah.

 

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Aqalka Sare ee maanta ka dhaceysa Baydhabo

Cabdi Cade

Sheekada wiilkii yaraa ee Dhuudhuumashowga ku dhumay ee dalka kale laga soo qabtay!

Cabdi Cade

Jabuuti oo shaacisay in dad ka yimid Magaalada Hargeysa laga helay Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---