Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Kursiga uu beri u tartamayo Yasin Farey oo dacwad culus laga gudbiyey

Waxaa sii xoogeysanaya cabasho ay qabaan qaar ka mid ah odayaasha degaan doorashada kuraastooda ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo sheegaya in ergo aan sax ahayn la xaraynayo kuwii reerkana laga tegay.

Guddiga doorashada ayaa caawa shaaciyey in labo kursi oo uu ku jiro kursigan beri loo tartamayo, taasoo xaalada ka dhigysa mid ka sii darta

Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP#67 ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn ergada joogta Magaalada Dhuusamareeb, isagana laga hor istaagay inuu magaaladaas tago.

Cali Jeesto ayaa cabasho arrintaas la xiriirta u gudbiyey guddiga doorashooyinka Qaranka, kaasoo uu sheegayo in kursiga beeshiisa la boobayo.

Dood ayaa ka dhalatay tallaabo ay guddiga doorashada ay warqadaha aqoonsiga diiwaangelinta ku guddoonsiiyeen taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Max’uud (Yaasiin Farey), arrintaasoo lagu tilmaamay mid hareer marsan habraacii doorashada.

Kursigan waxaa muranka ugu culusi dhex yaallaa laba masuul oo midna hadda ka tirsan yahay Haayadda NISA midna hore uga tirsanaa haayaaddaas. Kuwaasoo kala ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad sugida (NISA) Jan. Abdirahman Tuuryare iyo ku simaha taliyaha NISA ee hadda, Yaasin Cabdullaahi Fareey oo lagu xamanayo iney gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Kursigan oo uu hore ugu fadhiyey Caddow Cali Gees oo isagu hadda iskaga haray tartankan ayaa waxaa jira musharrixiin kale oo hunguraynaya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA IYO QORAALKA DACWADA

Related posts

Booliska Soomaaliya oo qabtay nin gaari ku qarxiyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & Wakiilada beesha caalamka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo Digniin adag u dirtay Dowlada Sudan iyo Xiisada labada dal oo sii xoogeesatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---