Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaybtii 4aad :- Xusuustayda Waxqbadkii Xassan Cali Khayre intii aan Joogay Xafiiskiisa

Sii deynta Maxaabiista :-Xukuumadii uu hogaaminayey Khayre ayaa ku guuleysatay intii ay xafiiska joogtay iney dalka ku soo celiso kumanaan maxaabiis Soomaaliyeed oo ku jiray xabsiyada Liibiya, Itoobiya, Cummaan, Iran, Tanzania, Hindiya, Sacuudiga iyo dalal kale. Muwaadiniinta lagu soo celiyey dalka ayaa qaarkood laga caawiyey iney nolol ka abuurtaan dalkooda, ayna ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka

Hirgelinta Axsaabta Siyaasadda :-

Khayre ayaa ku guuleystay in sanadkii 2017 la bilaabo diiwaan gelinta xisbiyada, waxaana si KMG ah u diiwaan gashan 110 xisbi siyaasadeed, baarlamanka ayaa sidoo kale meel mariyey sharciga axsaabta oo Xukuumaddu wax ka ka bedel ku sameysay si uu dhaqan galo.

Adeegyada Caafimaadka :-

Nidaamka Caafimaadka waxaa uu ka mid yahay adeegyada ugu muhiimsan ee ay dowladda uga baahan yihiin dadweynaha, kaasoo horey loogu guuldareystay in wax laga qabto, waxaana intii uu xafiisku joogay lagu sameeyey isbedel ballaaran, waxaa la meel mariyey sharciga Caafimaadka iyo kan xirfadleyda Caafimaadka, waxaana gacanta dowlada lagu soo celiyey Isbitaalada Martiini iyo Banaadir oo dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyey, iyadoo kumanaan dad Soomaaliyed ah loogu qabto adeegyo Caafimaad oo bilaash ah.

Cudurka COVID-19 ee caalamka jahwareerka geliyey ayey xukuumada Khayre ku guuleysatay in si hufan looga jawaabo, waxaana dedaalka uu sameeeyey awgeed ay Somalia uga hormartay la tacaalida cudurka dalal badan oo ka dhaqaale iyo awood badan.

Horumarinta Waxbarashada :-

Xukuumada ayaa meel marisay sharciga waxbarashada dalka, waxaana sare loo qaaday miisaaniyada lagu bixiyo sanad walba, waxaa lagu guuleystay dhameystirka manhajka waxbarashada dalka taasoo sababtay in laga gudbo jahwareerkii ka taagnaa manaahijta kala duwan.

Sidoo kale xukuumada ayaa ku guuleysatay dib ula wareegida iskuulo fara badan oo lagu sameeyey dayactir iyo qalabeyn, kuwaasoo si bilaash ah wax loogu baro kumanaan caruur Soomaaliyeed, iyadoo Dhinaca kale la dhisay guddiga tacliinta sare ee dalka oo saldhig u noqonaya tayeynta waxbarashada sare.

Adiga Sidee u aragtaa ….?
La soco Qaybta 5 aad Insha Allah
W/Q/ Abdirahman M Hussein
Mugadisho-Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Qaybtii 3aad :- Xusuustayda Waxqbadkii Xassan Cali Khayre intii aan Joogay Xafiiskiisa

Related posts

Somaliland oo si adag uga jawaabtay Eedeyn uga timid Soomaaliya farriin cusubna dirtay

Cabdi Cade

Talyaaniga oo hal dhinac ka taageeraya Hirshabelle

Caydiid Ali

War deg deg ah: Weriye ka howlgala Muqdisho oo ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---