Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo deg deg looga saarayo Itoobiya iyo xaalada oo kasii dartay

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogaga taabacsan TPLF ayaa sii xoogeestay, waxaana dagaalka uu kusii baahay deegaano hor leh oo ka baxsan Waqooyiga dalka Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka si ay u hogaamiyaan dagaalka looga soo horjeedo xoogaga TPLF ee doonaya in ay la wareegaan magaalada Adis Ababa.

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in ay si deg deg ah dalka Itoobiya ugala baxeyso shaqaalaheeda si uga bad baadaan colaada, waxa ayna Qaramada Midoobay sheegtay in dagaalka ka socda Itoobiya sii xoogeesanyo.

Qaar kamid ah wadamada reer Galbeedka ayaa horey dalka Itoobiya uga saaray muwaadiniintooda, waxaa sidoo kale sii kordhaya dalalka ugu baaqaya in Itoobiya kasoo baxaan muwaadiniintooda.

Dagaalka Itoobiya ka socda ayaa laga cabsi qabaa in uu sii xoogeesto uuna soo gaaro magaalada Adis Ababa, waxa ayna ciidamada Federaalka Itoobiya awoodooda isugu geenayaan difaacida magaalada Adis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxay tahay Sababta Xarunta Gobalka Banaadir looga jartay korantadii muddo 48 saac !!

admin

Dowlada Somalia oo xanibtay Malaayiin dollar oo ku socday Al-Shabaab (Akhriso)

Caydiid Ali

Laftagareen oo cafis u fidiyey Maxaabiis ku xirneyd xabsiga Baydhabo (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---