Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Sarkaal lala beegsaday

Qarax xooggan ayaa caawa ka dhacay agagaarka warshadii hore ee Caanaha oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Warka ayaa intaas ku daraya Qaraxan oo loo adeegsaday miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lagu weeraray gaadiid uu la socday sarkaal ka tirsan booliska DF oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Daahir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu ka badbaaday sarkaalkii la socday gaariga balse ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ah ilaalada la socotay.

Ciidamada amaanka DF ayaa muddo kooban xiray wadada tarabuunka illaa Warshadii hore ee caanaha inkastoo hadda xaaladu caadi ku soo laabatay.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa todobaadyadan ku soo batay Magaalada Muqdisho habeeno ka hor ayeyna aheyd markii qarax ismiidaamin ah lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho marxuum C/casiis Afrika, halka uu ku dhaawacmay agaasimaha SNTV Sharmaarke.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Farmaajo

Cabdi Cade

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir oo digniin culus ka bixiyey xiisada ka taagan Galmudug

admin
Taboola Ads ---