Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada DF oo yeeshay shir deg deg ah iyo Rooble oo ku dhawaaqay.. (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah oo ka dhalatay abaaraha dalka ku sii baahaya.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha.

“Maanta oo ay Taariikhdutahay 23 November 2021 kadib markaan dhageestay warbixintii ay soo diyaariyeen gudigii aan umagacaabay xaaladda abaaraha dalka taas ok muujisay in uu dalku kusuganyahay xaalad adag oo ay keenen abaaruhu sidaas darteed waxaan Ku dhawaaqayaa in uu dalku galay xaalad Deg deg ah oo bini’aadanmino loona baahanyahay gurmad deg deg ah gudaha iyo dibadaba”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa dadka Soomaaliyeed, ganacsatada, Qurba joogta iyo qeebaha kala duwan ee bulshada ugu baaqday in ay siiwada Jira gacan uga geestaan xaaladan adag we abaaraha.

Related posts

Ruushka oo koronto la’aan dhigay dalka Ukraine iyo Madaxweyne Zelensky oo qeylo dhaamiyay

Cabdi Cade

Akhriso Taariikhda Wiilkii Afrika Laga Qafaalay ee la geeyay dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Agaasimaha Guud ee Nabad Sugida iyo Sirdoonka Puntland oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---