Doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka ee ka bilaabatay Muqdisho lana filayo in ay ka dhacaan maamul goboleedyada dalka ayaa abuurtay hadal heyn badan sida musuqa leh ay ku bilaabatay doorashadan oo mudo la sugayay in ay bilaabato.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida ay ku bilaabatay doorashada golaha shacabka, waxa uuna xusay in tii Aqalka Sare looga aamusay doorashada ha socoto balse tan golaha shacabka ayba kasii dartay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in doorashada golaha Shacabka la diiwaan geliyo musharaxiintii tartamayay iyada oon la xareyn odayaashii iyo ergadii wax dooran laheyn.
”Waxaa indhaha looga laabtay doorashadii Aqalka Sare horay ha u socoto, laakiin kuraasta Golaha Shacabka odayaasha dhaqanka beelaha ayaa soo xulaya ergada dooranaysa xildhibaanka. Waxaa yaab leh in iyadoon liiskii odayaasha dhaqanka la faafin, lana xaraynin, tababarna la siinin, shantii xubnood ee guddiga ahayd ee ergada soo xuli lahaa la dhisin, ergadiina la xulin, ayaa murashaxiintii la diiwaan geliyey, Waxay la mid tahay murashaxiinta xilka madaxweynaha oo haatan la diiwaan geliyey, iyadoo xildhibaanadii la soo dooran. Tan doorasho maaha ee waa rogasho. ” ayuu yiri Mr Warsame.
Musharaxa ayaa sheegay in doorasho la boobo ay dhibaatooyin badan u horseeday dalal badan ay ku jiraan kuwa dariska sida Itoobiya, waxa uuna ka digay doorashada boobka ku saleesan ee hada ka bilaabay qeybo kamid ah dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com