Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Waxaa saakay hoolka Iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho mar kale ka bilaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana saakay lagu wadaa in la doorto ilaa lix kursi oo kamid noqonaya Golaha Shacabka.

Kursigii ugu horeeyay doorashada waxaa ku tartamayay Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya iyo Musharax Cabdiraxmaan Warsame Siciid.

Doorashada goordhaw ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa ku guuleestay Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay codad gaaraya 96-cod halka musharaxii la tartamayay isna helay 3-cod

Xildhibaan Maareeye ayaa noqonaya Xildhibaankii sadexaad ee kamid noqonaya Golaha Shacabka ee lagu doorto magaalada Muqdisho, waxaana goordhaw la filayaa in shan Xildhibaan oo kale lagu dooro xarunta Iskool Buluusiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xanibaada Ruushka uu saaray dekedaha Ukraine oo sicir barar ka abuurtay Afrika

Caydiid Ali

Shirkaddo dhibaato ku haya shacabka Somaliland iyo Mucaaradka oo farta ku fiiqay

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo Washington kula kulmay Madaxda Afrika qaarkood (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---