Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Dubbe oo si adag uga jawaabay Eedeyntii loo jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabshakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu ku fashilmay hirgalinta doorasho hufan oo ku dhacda si cadaalad ah.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay eedeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay in hadalkaasi yahay mid shaqsi ah balse siyaasiyiinta kale ee mucaaradka taageersan yihiin sida Rooble shaqada u wado.

Waxa uu sheegay Wasiir Dubbe in doorashada dadban ay qaadato waqti dheer sidoo kale ay iska jiitanto cilado badan oo jira owgeed, waxa uuna cadeeyay in Ra’isul Wasaare Rooble si sax ah wax u wado .

“Doorasho dadban waad taqaanniin oo way iska jiitantaa, doorashada hal qof iyo hal cod ayaa hal maalin dhacda. Doorasho dadban waxay leedahay culeys dhaqaale, culeys amni culeys siyaasadeed, laakiin xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay ku socotaa waddadii saxda ahayd,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.

Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in musharaxiinta mucaaradka ay raali ka yihiin sida Ra’isul Wasaare Rooble doorashada u hagayo, waxa uuna xusay in mucaaradka taageereen geedi socoda doorashada iyo sida uu shaqada u wado.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadduba waxay aaminsan yihiin inay shaqadii loo idmaday u hayaan sidii ugu fiicneyd ee ugu quruxda badneyd. Mucaaradku way taageereen hannaanka, way taageereen geeddi socoka doorashada, way taageereen shaqada Ra’iisul Wasaaraha laakiin qof wax taban sheegaya dunida lagama qaayo,” ayuu yiri Dubbe.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku kala argti duwanaaday sida uu Ra’isul Wasaare Rooble iyo maamul goboleedyada u maamulayaan doorashada, waxa ayna siyaasiyiinta qaarkood dhaliileen habka musuqa ku saleesan ee doorashada loo wajahayo loona boobayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi Warar Been abuur ah laga faafiyay oo si arxan daro ah loo dilay !!

Cabdi Cade

Hogaanka Ahlu Sunna oo goordhaw laga kaxeenayo Xero Inji iyo Hubkii Ahlu Sunna oo…

Cabdi Cade

Meydka socda ee magaalada Muqdisho iyo musiibada taagan !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---