Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Abiy Axmed ayaa isku diyaarinaya in uu hogaamiyo dagaalka lagula jiro xoogaga TPLF si uu ciidamada federaalka dhiiro gelin ugu sameeyo una dhiso mooralkooda.
Abiy Axmed oo ah abaanduulaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Itoobiya ayaa shaaciyay in uu tagayo jiidaha hore ee dagaalka si uu u hogaamiyo ciidamada federaalka ee dagaalka kula jira xoogaga TPLF.
Gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya ayaa isku raacay in ay dagaalka hogaamiyaan ayna hubka qaataan si loo soo afjaro qatarta kooxda TPLF oo dooneysa in duulaan kusoo qaadaan Adis Ababa.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya in ay hubka qaataan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka looga soo horjeeda xoogaga TPLF iyo xoogaga kale ee la midoobay ee doonaya in ay ridaan dagaalka ka dhanka ah Abiy iyo xukunkiisa.
Dagaalka ka socda Itoobiya ayaa sii xoogeestay kadib markii soo rogaal celiyeen xoogaga TPLF lana soo baxeen awood cusub, waxa ayna kooxdan doonayaan in ay la wareegaan Adis Ababa si mar kale u hogaamiyaan talada Itoobiya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com