Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo War kasoo saaray Musharaxiinta Wajiga Qarsanaya

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku mamnuuceen in musharaxiinta u tartameysa kuraasta Golaha Shacabka in ay qariyaan wajigooda inta doorashada socoto.

Waxa ay sheegeen guddiga doorashada in aan marnaba la aqbali doonin inta doorashada socoto in musharaxiinta wajiga qarsadaan, waxa ayna shaaciyeen guddiga in doorashada laga rabo in ay noqoto mid daah furan.

”Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka, Mahadsanidiin.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Warkan kasoo baxay guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya xili dhawaan doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho mid kamid ah musharaxiinta ay qarsatay wajigeeda si aan loo aqoonsan taas oo dhalisay hadal heyn badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo Mareykanka galay xilligii Biden oo lagu amray in dalka ka baxaan

Cabdi Cade

Kenya oo soo dhoweysay warbixintii IGAD ka soo saartay khilaafka kala dhexeeya Somalia

Caydiid Ali

Baarlamaanka Puntland oo aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---