Allbanaadir.com
NEWS

Jidadka Muqdisho qaarkood oo la xiray & Munaasabad weyn oo caawa ka socota

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay xireen wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood.

Isu socodka wadooyinka Magaalada gudaheeda ayaa kala xaniban, waxaana wadooyinka Magaalada dhan la soo dhoobay ciidan, kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka.

Wadooyinka qaar ayaa lagu arkayaa shacab aad u fara badan oo lugeynayana, iyadoo qaarkood wata agab culus, una hoyanaya xaafado fog.

Arintan ayaa loo sababeynayaa xuska 26-ka Juun oo ah markii Calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay gayiga Soomaaliya, waxaana caawa ka socda xarunta maamulka gobolka Banaadir Munaasabad maalintan loogu dabaal degayo oo ay ka qeyb galayaan madaxda sare ee dalka.

Munaasabadan oo ka  dhaceysa xarunta Maamulka gobolka banaadir ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin iyo dadweyne kale, iyadoo la filayo iney goor dhow ku biiraan madaxda sare ee Qaranka, si ay goob jog uga noqdaan calan saarka oo dhici doona caawa saqda dhexe 12:00am.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay Taliye Farxaan Qaroole

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo soo fara geliyey khilaafka Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Tirada dadka Israa’iiliyiinta ah ee gacanta u galay kooxda Xamaas oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---