Allbanaadir.com
NEWS

Diidmada shilinka Soomaaliga oo sii kordheysa & Bankiga dhexe oo digniin soo saaray

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa ka warbixiyay lacagaha cusub ee dalka loo soo daabacayo iyo sare u kaca ku yimid qiimaha sarifka Shilin Soomaaliga.

Bashiir Ciise Cali ayaa tilmaamay in sicir kororka ku yimid Shilin Soomaaliga ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dambiilayaal ah oo qalqal gelinayo nolosha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa hey’adaha ammaanka ee dowladda ugu baaqay inay tallaabo ka qaadaan shaqsiyaadka falkaya sicir bararka ku yimid Shilinka Soomaaliga, wuxuuna markale ku wargeliyay bulshada Soomaaliyeed in loo bedeli doono lacagahooda marka dalka laga dhaqangeliyo lacagaha cusub ee la qorsheynayo in la soo daabaco.

Waxaa uu xusay in lacagaha cusub aan la soo daabaceynin muddooyinka dhow, isagoo xaqiijiyay in marka la soo daabaco lacagta cusub dadka loo bedelidoono lacagta shilin Soomaaliga ah ee ay heystaan, isla markaan aanay ku jirin lacagaha la badalayo kuwa been abuurka ah, shaqaalaha bankiguna ay yaqaaniin lacagaha been abuurka ah.

Magaalooyin Waaweyn oo ku yaalla koonfurta iyo Bartamaha dalka oo xitaa ay ku jirto qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa laga diiday isticmaalka kunka shilinka Soomaaliga ah, iyadoo ganacstadu ay doonayaan in kaliya wax looga iibsado dollarka Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad daris la ah Soomaaliya oo ogolaatay in Dameeraha la qasho lana iibiyo hilibkooda !

Cabdi Cade

Astaamo doorasho oo aan muuqan, Todoba cisho ka hor codbixinta xubnaha Aqalka Sare!

Caydiid Ali

Guddoomiye kuxigeennada cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---