Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad badan oo Gaari lagu jiirsiiyay Munaasabad ka socotay Mareykanka (Sawirro)

Gaari si xowli ah ku socday ayaa si ula kac ah u jiiray dad badan oo ka qeyb qaadanayay munaasabad diimeed ay dhigayeen dad Kirishtaan ah taa oo ka socotay fagaare kuyaala gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka.

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhimatay weerarkan gaari jiirsiinta ah loo adeegsaday, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan soo gaareen dad gaaraya 40-qof ay ku jiraan 12-caruur ah.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga dhax arkayay gaari midibkiisu gaduud yahay oo dhax socda si caadi ahna u jiiraya dadka ka qeyb galayay munaasabada ama xuska ay dhiganayeen masiixiyiinta.

Taliyaha booliiska Dan Thompson ayaa sheegay in weerarkan gaariga loo adeegsaday dad badan ku dhinteen kuwana ku dhaawacmeen, waxa uuna sheegay in ay socdaan baaritaano kiiskan ku aadan.

Booliiska ayaa sheegay in dhacdadan ula muuqan mid argagaxiso, waxaana hada socda baaritaano ku aadan waxa keenay gaariga dadka la jiirsiiyay ee dhaliyay khasaaraha badan ee dhimasho iyo midka dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS kaddib shir ka dhacay New Yourk (Sawirro)

Cabdi Cade

Askari ka tirsan ciidamada Mareykanka oo u baxsaday Kuuriyada Woqooyi

Caydiid Ali

Wadahadalka u socda Ruushka iyo Ukraine oo heshiis hordhac ah lagu gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---