Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xoogaga Ahlu Sunna oo Dhaq dhaqaaq ciidan ka bilaabay Duleedka Dhuusomareeb

Wararka ka imaanaya deegaanka Bohol oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa ku waramaya in xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan deegaankaasi ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Deegaanka Bohol ayaa xarun u ah ciidamada Ahlu Sunna ee ka baxay degmada Guriceel, waxa ayna ciidamada deegaankaasi jooga lasoo sheegayaa in ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan.

Dadka deegaanka Bohol ayaa ku waramay in ay arkayeen xoogaga Ahlu Sunna ee jooga deegaankaasi oo dhaq dhaqaaqyo cusub oon looga baran maalmihii hore halkaasi ka sameenaya.

Dhaq dhaqaaqyadan ciidan ayaa kusoo aadaya xili uu fashil kusoo dhamaaday waan waan laga dhax waday Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug, lamana oga talaabooyinka ay qaadayaan xoogaga Ahlu Sunna ee dhawaan laga saaray Guriceel.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa xiligan isku diyaarineysa doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka, waxaana magaaladaasi kusii qul qulaya Musharaxiin Xildhibaan iyo ergadii wax dooraneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo War kasoo saartay sida uu u dhacay dilka Kabtan Cabdicasiis Maxamuud

Cabdi Cade

Musharax Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Somalia oo saaka loo doortay Maamul cusub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---