Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa xalay xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Yalaxow ayaa wararku sheegayaan in lagu dhax dilay gurigiisa, waxaana dilka kadib goobta isaga baxsaday ragii dilka geestay sida eheladiisa sheegeen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka loo geestay wiilkan dhalinyarada ah, waxaana wararka qaar sheegayaan in dilka fuliyeen koox burcad ah halka warar kalana sheegayaan in dilku ahaa mid qorsheesan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa kusoo badanayay dilalka loo geesto dadka shacabka ah, waxa ayna degmada Kaaraan kamid tahay degmooyinka ugu amaanka xun Caasimada, waxaaa inta badan degmadaasi dadka ku dila kuna dhaca burcad.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada DF oo mar kale xabsiga u taxaabay Cabdalla Axmed Muumin

Caydiid Ali

Kooxda Islamic Jihad oo War cusub ka soo saartay weeraradii ka dhacay Gaza

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Saraakiil Iraniyiin ah fududeeyen dilka Haniya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---