Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Musharax Marwo Seynab Xaabsey oo ku deeqday 50 booyadood oo biyo ah (Sawirro)

Musharrax Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha degmada Warta nabada ee Magaalada Muqdisho Marwo Seynab Max’uud Xaabsey ayaa 50 Booyadood oo biyo ah ugu deeqday dadka ay abaaruhu Saameeyeen ee ku Nool Gobolka Mudug.

Munaasabad ay kaalmadan kaga yaboohday  Musharax Seynab Xaabsey ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda Caafimaadka, Maayar ku-Xigeenka Degmada Gaalkacyo iyo odayaasha dhaqanka Gobolka Mudug.

Musharrax Xildhibaan Marwo Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in Mar kasta ay garab taagan tahay dadkeeda marxalad kasta oo ay ku sugan yihiina la qeybsanayso dhawaana ay booqan doonto deegaanada ay abaaruhu saameeyeen.

“Deeqdan qeyb kama ahan ololaha doorashada ee aan ku jiro ee waa gudashada waajibka saaran qof kasta oo Soomaali ah kaasoo ah inaan isgargaarno mar kasta oo dhibaato jirto, Ilaahay shacabkeena haka dulqaado abaaraha iyo culeysyada kale ee jira”ayey tiri Marwo Seynab Xaabsey.

Dhamaan Masuuliyiinta iyo odayaasha Dhaqanka ayaa Musharrax Xildhibaan Seynab Xaabsey ku amaanay sida ay ugu damqatay dadkeeda iyo deegaanada ay kasoo jeedo oo xilligaan abaar daran ay haysato waxayna alle uga baryeen in uu bedel kheyrqaba siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Ku-simayaasha Wasiirada oo awooda laga qaaday iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade

Ammar culus oo la dul dhigay maleeshiyaadkii ku dagaallamayay Sh.Dhaxe (Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo wada dhismaha dowlad goboleed cusub & Farmaajo oo cadaadis wajahaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---