Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qudus: Nin hubeysan oo dil iyo dhaawac u geystay dad Yuhuud ah (Sawirro)

Nin hubaysan oo falastiini ah oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa magaalada Qudus ku dilay hal qof oo rayid ah saddex kalena ku dhaawacay.

Ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa markii dambe toogtay ninka weerarka gaystay oo qiyaastii 42 jir ahaa asagoo markii dambena Isbitaalka ku geeriyooday.

Wasiirka aminga Israa’iil ayaa weerarka ku tilmaamay mid si wacan loo soo qorsheeyey, iyadoo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan weerarro kale oo suurtagal ah in ay halkaa ka dhacaan.

Ururka xamaas ayaa xaqiijiyey in ninka weerarka qaaday oo lagu magacaabi jiray Fadi Abu khaydam uu ahaa xubin ka tirsan garabkooda siyaadadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kumaandooska oo gacanta ku dhigay Xubno katirsan Al Shabaab iyo hubkooda

Cabdi Cade

Hey’ada cusub ee Abeer Foundation oo Muqdisho lagu Daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DF oo shaacisay arrin cusub oo lagu kordhiyey dabaaldegyadii maalmaha Xoriyadda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---