Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka xiligiisu dhamaaday ee Somalia ayaa sheegay inuu shaki badan ka badan in dilka agaasimihii radio Muqdisho C/casiid Afrika oo lagu qaarajiyey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.
Masuuliyada qaraxan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab, hase ahaatee Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa shaki ka muujiyey in gacan kale ay ku lug leedahay dilka Afrika, isagoo soo bandhigay 8 su’aalood oo ku xeeran dilkiisa kuwaasoo kala ah
- Marxuumka ma jirtaa cabsi iyo hanjabaado loo geystay dhimashadiisa ka hor?
- Baabuurka uu watay yaa la haa, goormuuse soo qaatay!?
- Maxaa illaa iyo hadda aan cidna loogu soo qaban falkaas ama baaritaan aan loogu samayn dilkiisa?
- Xiriir ma ka dhexeyn karaa dilkiisa iyo la safashadii hey’adaha warfaafinta qaranka xafiiska Raysulwasaaraha markii khilaafaadka labada xafiis uu taagnaa?!
- Ma ka tacsiyeeyey Farmaajo dilkii wariyihii ugu caansanaa dalka isla markaana sida furcadida leh afkiisa iyo aqoontiisa kula dagaalami jirey argagixisada? Sabab!?
- Shirqoolka labada agaasime loo dhigey ma ahaa mid si wadajir ah Shabaab iyo qolo kale ay isaga kaashadeen!?
- Maxaa la guddoon Raysulwasaaraha oo tallaabo ah inuu qaado, maxaase la gudboon wariyaasha warbaahinta qaranka ka shaqeeya ee Cabadicaziz Afrika uu ka baxay!?
- Dilka Cabdicaziz Afrika AUN ma noqon doonaa mid argagixisadu ay ku aamusiso codka wariyaasha dhiiran ee u bareerey in argagixisada fikirkeeda la diriraan!?
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com