Col. Gebregzabher Alemseged oo Soomaaliya dhaxdeeda looga yaqaan Gabre ayaa si rasmi ah looga joojiyay shaqadii Urur goboleedka IGAD ka hayay kadib qoraal kasoo baxay Xoghayaha guud eeĀ IGAD.
Col gabre ayaa ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee Xoghayaha Guud IGAD Maxbuub Macalin, waxa uuna Gabre xilkan hayay mudo sanad ka badan isagoona saameyn badan ku dhax lahaa ururka IGAD.
Qoraal kasoo baxay Xoghayaha Guud IGAD Maxbuub Macalin ayaa shaqada looga joojiyay Gabre, waxaana qoraalka lagu cadeeyay in maanta waxii ka dambeeya uusan Gabre aheyn shaqsi katirsan Ururka laguna amray in xafiiska uu baneeyo.
Gabre oo ah sargaal u dhashay dalka Itoobiya ayaa kamid ahaa saraakiishii hogaamineysay Ciidamadii Itoobiya ee xooga kusoo galay soomaaliya sanadkii 2006-dii, waxaana Gabre sanadihii lasoo dhaafay saameyn xoogan ku dhax lahaa siyaasada Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com