Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqday Natiijada Baaris hordhac u ah Kiiska Ikraan Tahliil oo la la’yahay ilaa 26 June Sanadkan.
Taliska NISA ayaa horey u shaaciyey in Ikraan Tahliil ay u gacan gashay Al-shabaab, ayna ku dileen degaanada ay maamulaan, hase ahaatee RW Rooble iyo iyo qoyska Ikraan tahliil ayaa ku seyray arrintaas, iyagoo sheegay in hadalka NISA uu yahay mid aan lagu qanci karin.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gen. Cabdullaahi Buulle Kamey ayaa sheegay in baaritaan kadib ay xaqiijiyeen in Hay’adda NISA aysan ku lug laheyn maqnaanshaha Ikraan.
Anagoo fulinayna amarkii ka soo baxay Raisul Wasaaraha dalka ee ahaa in la baaro kiiska Ikraan Tahliil, waxaan wareysanay saraakiisha NISA oo ay ku jiraan Taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey iyo taliyihii hore Fahad Yaasiin, waxaan baarnay kamirooyinkii xarunta NISA, waxaana baaritaanka ka dib noo cadaatay in NISA aysan wax lug ah ku laheyn maqnaanshaha IKraan” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha oo intaas ku daray in saraakiisha NISA ay si hufan ula shaqeeyeen intii ay baaritaanka wadeen.
Wuxuu ugu dambeyn codsaday in cid kasta oo heysa cadeyn ama xog ku saabsan halka ay ku maqan tahay Ikraan Tahliil ay la soo wadaagto Maxkamadda Ciidamada.
Natiijadan oo u muuqata mid weli mugdi badan uu ku jiro ayaan la ogeyn iney ku qanci doonaan qoyska Ikraan tahliil Faarax.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com