Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray Fariin Hambalyo ah oo ku aadan 21ka November

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal ku gaashaaman waxbarasho tayo leh taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u dirayaa dhammaan bareyaasha Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka joogtada ahaa ee ay ku bixiyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqaysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahida waxbarasho.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay 4-tii sano ee la soo dhaafay dadaal ku bixisay tayaynta waxbarashada iyo dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgeliyey Manhaj iyo imtixaan Qaran oo mideysan, korna loo qaaday miisaaniyadda waxbarasha dalka.

 

Related posts

Xog cusub oo laga bixiyay kulankii Villa Hargeysa iyo Xubno aan kamid aheyn Xildhibaanada Aqalka hoose oo ….

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Dagaalka Laascaanood kala hadlay Culimada Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade

Heyadda Culimada oo ka soo horjeesatay hadalka ka soo yeeray Shiikh C/qaadir Soomow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---