Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Arin Muhiim ah kala hadlay Lu’ay Shabaana (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA Lu’ay Shabaana.
Rooble iyo Igaasime goboleedka UNFPA ayaa kulan gaar ah ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen dadaalada dowladda Soomaaliya ee sameynta tirakoob dadweyne ka hor doorashada sanada 2025.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in DFS ay ka go’an tahay hirgalinta tirkoobka isagoo ku dhiirigaliyay Hay’adda Istaatiistikada Qaranka in ay hormuud u noqoto xaqiijnta hadafkaas muhiimka u ah horumarka qaranka.
Soomaaliya ayaan lagu sameyn tirakoob rasmi ah, waxaana inta badan tirada dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka iyo dibadiisa kaliya lagu sameeyaa qiyaas aan sax aheyn, mana jirto ilaa hada dowlad isku taagtay in tirakoob rasmi ah la sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqadii Shirkadaha dayuradaha ee Garoonka Aadan Cabdulle oo saaka xaniban

Caydiid Ali

Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo qorshe howledkooda u gudbiyey RW Xamse (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo hal sabab awgeed xoojineysa amaanka xadka ay la wadaagto Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---