Allbanaadir.com
NEWS

Nin ka ganacsan jiray Hilibka Bisadaha oo lagu qabtay magaalada Nakuru (Daawo Sawirada)

Booliiska magaaada Nakuru ee dalka Kenya ayaa xiray nin ka ganacsan jiray hilbaha bisadaha uu qalo, waxaana ninkan la sheegay in sanado badan uu ku guda jiray ka ganacsiga hilbaha bisadaha.

Ninkan ayaa dadweyne ku dhaqan magaalada Nakuru arkeen isaga oo xiligaasi maqaarka ka siibaya bisad uu qalay, waxa ayna dadweynaha oo ficilka ninkan ka carooday isku dayeen in ay dhibaateen .

Ciidamo katirsan booliiska magaalada Nakuru oo goobta soo gaaray ayaa bad baadiyay ninkan ka ganacsan jiray hilbaha bisadaha, waxa ayna booliiska ninkan ku xireen saldhig booliis si baaritaan loogu sameeyo kiiskiisa.

James Mukangi oo ninkan ka ganacsan jiray hilbaha bisadaha oo wareysi lala yeeshay ku qirtay inuu gacantiisa ku gowracay in ka badan 1000 bisadood islamarkaasna uu ganacsiga bisadaha ku howlnaa 7-dii sanno ee lasoo dhaafay.

Ninkan ayaa hilbaha bisadaha ka sameeyay lacag aad u badan, waxa uuna hilbahaasi ka sii iibin jiray ganacsato kale oo la sheegay in ay u adeegsan jireen sambuuska iyo siyaabo kale .

Dalka kenya waxaa ka mamnuuc ah ka ganacsiga hilbaha bisadaha, waxaana ninkan sanadaha badan ku howlanaa ka ganacsiga hilbahada laga yaabaa in uu muteesto sanado badan oo xabsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo toogtay Nin dil ka geystay duleedka Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Dhaqtarad dil iyo kufsi loo geestay iyo caro xooggan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Askari 8 sano ka hor labo haween ah ku dilay Magaalada Muqdisho oo la qabtay

Caydiid Ali