Allbanaadir.com
NEWS

Wariye Cabdicasiis Afrika oo la aasay iyo Masuuliyiin ka qeyb gashay aaskiisa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha a Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa salaadsa Janaazada kula tukaday masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada meydka allaha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka qeyb galay salaada Janaasada ee lagu dukaday meydka Ilaah ha u naxariistee Wariye Cabdicasiis Afrika ayaa ilaah uga baryay in janadii fardowsa ka waraabiyo dambigiisana dhaafo.

Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed oo ahaa wariye rug cadaa ah caana ka ahaa gudaha Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ruux naftiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray la beegsaday gaari uu la socday.

Salaada Janaasada kadib ayaa meydka Cabdicasiis AFrika waxaa lagu aasay qabuuro kuyaala isbitaalka Xooga ee Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeyb galay ,Masuuliyiin, Wariyaal iyo Dadweyne badan.

Related posts

Boqortooyada Sacuudiga oo War cusub kasoo saartay arimaha Xajka ee sanadkan

Cabdi Cade

Shinni Sabab u noqotay in uu baaqdo Duulimaad Diyaaradeed !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Baaq isku mid ah oo loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne William Ruto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---