Allbanaadir.com
NEWS

Dabaaldeg weyn oo maanta Muqdisho lagu qabanayo iyo wadooyinka qaar oo la xiray

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la xoojiyey, iyadoo maanta magaalada lagu qabanayo Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xalay illaa saaka lagu arkay wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, gaar ahaan agagaarka xarunta Gen. Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo) oo ku taalla degmada Xamar jajab.

Gaadiidka dadweynaha ayaa laga xiray Wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyadoo Saraakiisha ammaanka ay ciidamada ku amreen inay amniga adkeeyaan, inta lagu guda jiro xuska Munaasabadan.

14-kii bishan ayey aheyd markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay barxada Iskool Buluusiyo oo ay tababar ku qaadanayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December, iyadoo 18 askari ayaa ku dhinteen qaraxaas halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxda sare ee dowlada, Saraakiil kala duwan iyo wakiilada beesha caalamka ayaa ka qeyb galaya xuska Munaasabadan oo lagu qabanayo fagaaraha Iskoolo Buluusiyo, iyadoo khudbado halkaas laga jeedin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fadeexad soo wajahday Raisul Wasaare ka been sheegay taariikhdiisa Waxbarasho

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ismiidaamiyihii Jimcihii isku qarxiyey degmada Afgooye

Caydiid Ali

Madaxtooyada oo si adag u beenisay Warar Saacadihii lasoo dhaafay si weyn loo baahiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---