Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bankiga cusub ee My Bank Limited oo Muqdisho laga daah-furay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah looga daahfuray bankiga MyBank Limited oo ka mid ah bangiyada casriga ah ee Soomaaliya.

Xafladda daaha lagaga rogayay bankiga oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin sarsare oo uu kamid yahay Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirada Maaliyadda, Amniga iyo Gancsiga, Gudoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, Hanti dhowraha guud ee qaranka, Xisaabiyaha guud ee dalka, Xildhibaano, Ururada bulshada rayidka ah, Culimaauddiin, Ururada haweenka, madaxda bankiga Mybank, ganacsato iyo dadweyne kale.

Waxaa ugu horeyn xafladda ka hadlay Maamulaha bankiga Mybank mudane Cabdirisaaq Maxamed Axmed asagoo sharaxaad ka siiyay dadweynihii kulanka soo xaadiray taariikhda aasaaska bangiga iyo sababta uu xilligan suuqa usoo galay.

Maamulaha bankiga ayaa sheegay in waxyaabaha sababay in xiligan ay suuqa soo galaan ay kamid yihiin xoojinta wax soo saarka dalka si loo dheelitiro miisaaanka ganacsi ee dalka ee ka kooban walxaha la dhoofiyo iyo walxaha la soo dejiyo, baahi maalgalineed oo taagan, baahinta isticmaalka adeega banki ee bulshada dhaxdeeda ah iyo ka faa’iideysiga aaladaha casriga ah sida taleefoonada iyo Intarnetka.

Maamulaha ayaa sidoo kale sheegay in magaca Mybank uu ka turjamayo lahaansho si loo muujiyo sida uu bankigu ugu dhawyahay bulshada

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xafladda ka sheegay in bankiga Mybank uu leeyahay teknooloojiyad horumarsan oo u sahashay in ay si fudud qeyb uga noqdaan hanaanka iskuxirka bankiyada ee uu hirgaliyay bankiga dhexe ee dalka.

Waxaa kale oo xafladda daahfurka hadallo dhiirigalin ah kasoo jeediyay wasiirada wasaaradaha ganacsiga iyo maaliyadda ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya

Guddoomiyaha bankiga Mybank, Cabdullaahi Nuur Awdiini ayaa sheegay in bakigu uu soo kordhin doono adeegyo aan horay dalka uga jirin sandada soo socda si sare loogu qaado loona casriyeeyo hanaanka adeeg bixin ee bankiyada

Bankiga ayaa waxaa si rasmi ah xarigga uga jaray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, asaga oo sidoo kale kalmaddiisa ka jeediyay gabagabada xafladda daahfurka ee bankiga Mybank.

Ra’iisulwasaaraha ayaa ku booriyay madaxda bankiga inay garab istaag u muujiyaan dadka Soomaaliyeed ee xiligan ay abaaruhu saameeyeen. Waxaa uu sidoo kale ra’iisulwasaaruhu hambliyeeyay daahfurka bankiga cusub ee Mybank.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Maareeye oo ka hadlay Wararka sheegaya booqashada Farmaajo ee Hargeysa

Caydiid Ali

Xamse Barre oo sheegay in DF xalineyso tabashada K/Galbeed

Caydiid Ali

Hees ay soo qaadeen kooxda Waayaha cusub oo fal-celin adag kala kulantay Baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---