Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: C/casiis Afrika Agaasimihii radio Muqdisho oo ku geeriyooday qaraxii caawa

Sida ay allbanaadir online u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada warfaafinta Somalia agaasimihii Idaacada radio Muqdisho C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Cabdicasiis Africa ayaa u dhintay qarax caawa loogu xiray gaarigiisa, xili uu ku sugnaa kaalin shidaal oo ku yaalla wadada Ex Hotel Jubba gaar ahaan agagaarka xarunta Wasaarada amniga Qaranka.

Geerida C/casiis Afrika ayaa caawa qabsatay baraha bulshada, waxaana ka tacsiyadeynayey dad u badan asxaabtiisa, xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan.

Afrika ayaa ka mid ahaa wariyaasha ugu firfircoon warbaahinta qaranka, waxaana in muddo ah uu dagaal kula jiray Kooxda Al-Shabaab,  oo uu ka sameeyay barnaamjyo taxaneyaal ah.

“Saaxiibkey Afrika Maalmahaan wuxuu u diyaargaroobaayey safar, Wuxuu dalbaday Visa, asaga iyo hooyadiis si uu daawo ugu qaado dalka dibaddiisa, wuxuu soo goostay Tikid, wuxuuna qaatay warqaddii fasaxa safarka, wuxuu wareejiyay xilkii Agaasinka Raadiyaha, Xilliga bixitaankiisa waxaa ka harsanaa saacado balse safar kale ayuu aaday Caawa oo dhammaan loo wada socdo” ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo ka mid ah Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta DF

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sargaal ciidan oo hub iyo gaari kala soo goostay Somaliland oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo magacaabay xubnaha Golaha Shacabka ku matelaya Baarlamaannada Africa, Carribean iyo…

Cabdi Cade

Shiikh Xuseen Xaaji Max’ed Tuuryare oo caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---