Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meel badan ee waddanka ah.
Guddigan oo ka kooban 7 Wasaaradood ayaa kala;
- Wasaaradda Gargaarka
- Wasaaradda Maaliyadda
- Wasaaradda Qorshaynta
- Wasaaradda Caafimaadka
- Wasaaradda Beeraha
- Wasaaradda Warfaafinta
- Wasaaradda Biyaha
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la soo caawiyo dadka tabaalaysan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com