Baarlamaanka maamulka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa dood iyo falan qeyn kadib waxa ay meel mariyeen in magaalada Cadaado ay noqoto xarunta Rasmiga ah ee Baarlamaanka Galmudug.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa horey wareegto uu usoo saaray ugu aqoonsaday in magaalada Cadaado ay noqoto xarunta rasmiga ah ee Baarlamaanka Galmudug.
Kulan maanta Xildhibaanada Galmudug ku yeesheen magaalada Cadaado uuna shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa lagu meel mariyay in Cadaado noqoto xarunta Baarlamaanka Galmudug.
Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Cadaado ayaa hada xarun u kala ah Madaxda is khilaafsan ee maamulka Galmudug, waxaana marar badan fashilmay wadahadalo lagu doonayay in labada dhinac lagu dhax dhaxaadiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com