Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose ayaa la sheegay in ay dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab ay ku jiraan ajaaniib.
Taliyaha ururka 58Aad ee guutada 11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali oo Warbaahinta dowlada la hadlay ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah la wareegeen Buundada deegaanka Araare ay horey u heesteen Al Shabaab.
Waxa uu sheegay Taliyaha in ciidamada intii a howlgalka wadeen ay dileen dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab, waxa uuna sheegay in raga ay dileen uu ku jiro dagaalyahan ajnabi ah oo kasoo jeeda dalka Tanzaaniya.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen ku dhawaad 10-dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab kana furteen hubkii ay wateen, waxa uuna intaa raaciyay in ciidanka sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.
Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo garab ka helaya ciidamo Mareykan iyo kuwa katirsan AMISOM ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ka socday deegaano katirsan Jubadda Hoose.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com