Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga ku haya mudo ku dhawaad bil sadex Shan Gudoomiye waaxeed oo horey uga tirsanaa maamulka Degmada Yaqshiid balse markii dambe xilka laga qaaday.
Sida aan Wararka ku heleyno Gudoomiye waaxeedyadan xiran ayaa loo heestaa dilal iyo hanjabaadyo loo geestay Gudoomiye waaxeedo lagu badalay bishii Ramadaan, waxa ayna keentay in laamaha amaanka ku xireen xubnahan xabsiga Godka Jilacow.
Mid kamid ahaa Gudoomiye Waaxeed lagu bedelay xubnahan xiran ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Degmada Hiliwaa, kadib markii gaari uu watay lagu dhuftay qorayga loo yaqaan Baasuukaha sidaana ku dhinteen.
Waxaa sidoo kale cabsi owgeyd shaqada uga tagay Sadex Gudoomiye waaxeed kale oo katrsanaa degmada Yaqshiid, kuwaa oo iyana ka cabsi qabay in la dilo kadib hanjabaadyo loo jeediyay.
Gudoomiye waaxeedyada xilka laga qaaday kuna xiran xabsiga Godka Jilacow ayaa la sheegay in ay u hanjabeen xubnaha lagu bedelay, waxaana hada ku socda baaritaano ku aadan tuhunka ragan laga qabo.
Halkan ka Akhriso Magacyada xubnahan ku xiran Muqdisho.
- C/kariin Sii Cali Guddoomiyaha Waaxda 1-aad ee Heegan
- Cabdi Haajir Guddoomiyaha Waaxda Labaad ee Horseed.
- Saalax Cumar Xaayow Guddoomiyaha Waaxda Saddaxaad ee Juungal
- Cabdi Mahad Xasan Sangaab Guddoomiyaha Waaxda Shanaad ee ee 1-ada Luulyo
- iyo Faarax Caddaani Maxamed Guddoomiyaha Waaxda Lixaad ee Tawakal.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com