Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Caawa Fariin u diray Qaar kamid ah Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KG Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) shaacinta 11-ka kursi ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee Koofur galbeed kuwaas oo dhawaan la qaban doono .
 
Sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen aaladda fogaan arraga 11-kii Nofeembar, doorashada Golaha Shacabka waa in lagu soo gabgabeeyaa muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 20ka November kuna eg 20ka December, sidaa awgeed Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku boorrinayaa Dowlad Goboleedyada kale ee iyaguna ku jira diyaar garowga in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabaan si looga fogaado dib u dhac kale oo hor leh, sidoo kale waa in qabashada doorashadu ay noqotaa mid xiriirsan oo aan kala go’ laheyn sidii dhacday doorashadii Aqalka sare oo waqti dheer qaadatay.
 
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashadu ay u noqoto mid hufan,daah-furan oo xalaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:- Walaaca & ilinta waalidiintan oo sii korordhay & Calool xumuda Hooyooyinka !!

admin

Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Puntland oo is casilay, kana hadlay Sababta

Caydiid Ali

Itoobiya oo ka cudur-daaratay ka qeyb galka shir madaxeedka deg dega ah ee IGAD

Caydiid Ali
Taboola Ads ---