Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo War Cusub soo saaray Baaqna u diray maamulada qaar

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay bogaadiyeen guddiyada doorashooyinka Somaliland iyo Galmudug oo guda galay Doorashada kuraasta Gollaha Shacabka waqtigii loogu tala galay.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka heer federaal ayaa loogu baaqay maamul goboleedyada kale ee dalka aysan wali ka bilaaban ama aan gudaha gelin doorashada Golaha Shacabka in ay si deg deg ah u bilaabaan.

Guddiga Doorashada ayaana sheegay in ay ka go’an tahay in doorashada Xildhibaanada golaha shacabka lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loo qorsheeyay oo ah 24-ka bisha soo socota ee December.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab ku gubanaya Badda Cas oo loo ogolaaday in loo gurmado

Cabdi Cade

Dayuurad gaar ah oo Qalab muhiim ah ka dejisay Magaalada Garbahaarey (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirarkii ka dhici jiray Nairobi oo loo weeciyay Adisababa iyo Dowlada Kenya oo si adag uga jawaabtay eedeyn loo jeediyay !!

admin
Taboola Ads ---